Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin ku lug lahaa Weeraradii ka dhacay Paris sanadkii 2015 oo lagu qabtay Jabuuti (Sawirro)

Dowlada Jabuuti ayaa xaqiijisay in Jimcihii la soo dhaafay ay dalkeeda ku qabatay nin haysta dhalashadda Faransiiska oo lagu magacaabo Peter Sherif, (Abu Xamza) kaasoo la tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa weerar bishii Janaayo sannadkii 2015-kii lagu qaaday Xafiisyadda Wargeyska Charlie Hebdo ee magaalladda Paris.

Waxaa weerarkaas lagu dilay  12-qof oo u badnaa Tifafirayaasha iyo shaqaalihii Wargeyska, waxayna talaabadaas jawaab u aheyd markii wargeysku soo bandhigay Sawiro lagu aflagaadeeyey Nebigeenna Muxamad NNKH.

Faransiiska ayaa soo dhaweeyay tallaabadda lagu qabtay eedeysanaha, Peter Sherif oo soo Islaamay sannadkii 2003-dii isagoo isla sanadkaasi dagaal Jihaad ah u aaday dalka Ciraq, markii ay Maraykanka duullaanka ku qabsadeen dalkaas.

Peter Sherif oo taabacsanaa Al-qaacida waxaa lagu qabtay dalka Iraq sannadkii 2004-tii, isagoo u dagaalamayey Al-qaacida meel ku dhow magaaladda Faluuja.

Maxkamad ku taalla Baqdaad ayaa waxay ku xukuntay 15-sanno oo xabsi ah, balse Xabsiga ayuu ka baxsaday bishii Maarso ee isla sannadkii 2014-kii, kadib, markii ay Kooxda Daacish ay xabsigaasi weerareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DANJIRE YOONIS “Markii la doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Yurub waxay muujisay..

admin

Xildhibaano u badan kuwa Mucaaradka oo caawa la kulmay Guddoomiye Mursal (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Ibraahim Maxamed oo Shaaciyay in uu is casilay kana hadlay Sababta ku kaliftay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---