Guddoomiye ku-xigeenka labaad Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mowliid Xuseen Guhaad ayaa shir guddoomiyey kalfadhiga afraad kulankiisa tobnaad ee Guddiga joogtada ah eeĀ Golaha.
Kulanka maanta ayaa ayaa diirada lagu saaray Qaraxii shalay ka dhacay Xaawo Taako iyo khubaro kulanka looga dhageystay nidaamka Federaalka.
Mowliid Xuseen Guhaad oo kullanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa marka wuxuu tacsi u diray ehalada iyo asxaabta dadkii ku geeriyooday Qaraxii shalay argagixisadu ay ka fuliyeen isgoyska Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho, isagoona dhinaca kale caafimaad rabi uga baryay dadkii dhaawacmay.
Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka sare ayaa Xukuumadda,Baarlamaanka iyo shacabkuba ugu baaqay in loo gurmado dadka waxyeelada ka soo gaareen Qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Senator Cabdkaafi Macallim Xasan oo ah Hab-dhowraha Golaha Aqalka sare ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha kale ee looga hadlay kullanka, wuxuuna sheegay in warbixin looga dhageystay khaburo ku xeel dheer nidaamka Federaalka iyo dowrka Aqalka sare ee ilaalinta danaha dowlad Gobolleedyada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com