Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo sheegtay in saakay si dirqi ah uga bad baaday Yuusuf Dabageed

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar dhabo gal ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah uu la socday gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Kolonyada uu la socday Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa ka baxay magaalada Baladweyne waxa ayna kusii jeedeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed.

Al Shabaab ayaa weerar kooban ku qaaday kolanyada gaadiidka uu la socday gudoomiyaha gobolka Hiiraan xili ay marayeen inta u dhaxeysa magaalada Baladweyne iyo degmada Maxaas.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi fuliyeen dagaalyahano katirsan kooxdooda , waxa ayna Al Shabaab sheegeen in uu si dirqi ah ku bad baadeen Yuusuf Dabageed iyo xubno la socday.

Dhinaca kale saraakiil la socotay Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in weerar aan cusleyn kala kulmeen dagaalyahano katirsan Al Shababa, waxa ayna sheegeen in weerarkan uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan iyo saraakiil la socota ayaa u baxay xalinta dagaal beeleed ka dhacay duleedka degmada Maxaas , waxaana dagaalka halkaasi ka dhacay ka dhashay khasaaro badan oo kala gaary dhinacyada dagaalamay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maleeshiyaad iyo Gaadiid Dagaal oo ka qeyb qaadanaya xureynta Ceelbuur iyo Galhareeri oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaali dab qabadsiiyey labo kaniisadood oo Maxkamad la soo taagay (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---