Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca ammiga iyo siyaasada ee gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay Tiyaatarka Muqdisho oo uu dhaawac ka soo gaaray.
Tuulax ayaa intaas ku daray in todobo ka mida askartii la socotay ee ilaalada u ahayd iyo Darawalkiisii ay qaraxa ku dhinteen, isaguna uu soo gaaray dhaawac fudud.
Wuxuu intaas ku daray in falalka noocaas oo kale ah aysan ka joojineyn howlaha ay qaranka u hayaan, ayna ku dhiirigelinayaan inay sii xoojiyaan dagaalka argagixisada.
“Walaalayaal ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo dhamaan dadkii ku geeriyooday qarixii wuxuushnimada ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka theatre-ka. Aniga waan fiicanahay Alxamdulilaah ilaahay ayaa naga badbaadshay waxaa ku geeriyooday 7 ka mid ah askartii ila socotay iyo darawalkii.. ilaahay ha’ u naxariisto samir iyo iimaana hanaga siiyo iyo guud ahaan ciidankii madaxtooyada oo wax yeelo kasoo gaartay. Waxaan ka qaadaynaa falalka nuucaan oo kale dhiirigelin iyo inaan sii laba jibaarno la dagaalanka cadawga umadda Soomaaliyeed. Waxaan tacsi gaar ah u dirayaa bahda Tv-ga Universal oo uu ka baxay Cawil Daahir Salaad iyo intii la socotay ilaahay samir iyo iimaan hanaga siiyo” ayuu yiri gudoomiye Tuulax oo qoraalkan soo dhigay bartiisa facebook.
Sawirka hoose waa gaarigii uu saarnaa gudoomiye Tuulax iyo sida uu noqday
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com