Waxaa maanta magaalada Muqdisho ruxay labo qarax oo aad u xoogan kuwaa oo ka kala dhacay goobo aan kala fogeyn, qaraxyadan ayaana dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa koobaad oo ahaa mid gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay Koontarool kuyaala agagaarka Tayaatarka Qaranka ,waxaa sidoo kale goobtaasi kuyaala xarumo ganacsi iyo goobaha shaaha laga cabo.
Dad ku dhaw 10-ruux uu ku jiraan Wariye Cawil Daahir Salaad iyo sadex kale oo kamid ahaa Shaqaalaha Tv-ga Universal ayaa qaraxan ku dhintay, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay dad ka badan 10-ruux oo isugu jiray shacab iyo ciidan.
Sida aan Wararka ku helnay qaraxa koobaad ee ka dhacay agagaarka Tayaatarka dadka dhawaacyada kasoo gaareen waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Warsame Joodax oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, waxaana soo gaaray dhaawac fudud.
Daqiiqado kadib qaraxa labaad oo isna loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel ku dhaw Taalada Daljirka Dahsoon oon sidaa uga fogeyn goobtii uu ka dhacay qaraxii hore.
Qaraxan labaad ayaa la sheegay in lala eegtay gaari uu la socday Gudoomiye kuxigeenka amniga Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax , waxaana qaraxan ku dhintay inta badan ilaaladii la socotay Tuulax halka uu dhaawac fudud uu soo gaaray Gudoomiye kuxigeenka.
Waxaa sidoo kale qaraxan labaad khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dad shacab ah oo ka agdhawaa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah khasaaraha ka dhashay qaraxa labaad .
Al-Shabaab ayaa durba sheegatay masuuliyada qaraxyadan maanta ruxay magaalada Muqdisho, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxyadan ku dileen masuuliyiin, saraakiil iyo ciidamo katirsan dowlada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com