Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wariye Caan ah iyo Qaar kamid ah Shaqaalaha Universal oo ku geeriyooday Qaraxyadii Muqdisho

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in dadkii ku dhintay qaraxyadii xoogaa ee maanta ka dhacay Muqdisho uu ku jiro Wariyaha caanka ah ee Cawil Daahir Salaad oo kamid ahaa masuuliyiinta Telefishinka Universal.

Maamulka Telefishinka Universal ayaa xaqiijiyay in qaraxii ka dhacay agagaarka Tayaatarka Qaranka ay ku dhinteen Wariye Cawil Daahir iyo sadex kale oo kamid ahaa shaqaalaha Telefishinka Qaranka.

Wariye Cawil Daahir ayaa kamid ahaa Wariyaasha ugu caansan Soomaaliya, waxa uuna Wariyahan ka yimid dalka Ingiriiska uu mudo kunoolaa , waxa uuna hada kamid ahaa Wariyaasha iyo masuuliyiinta Telefishinka Universal.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyadii saakay ruxay magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya, waxaana qaraxyadan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay kamid ah Masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya,

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxyada kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga maamulayada Batroolka Soomaaliya oo la magacaabay iyo Somaliland oo xubin ku leh (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Dowlada Ingiriiska oo ka hadashay dabkii khasaaraha badnaa ee ka kacay Suuqa Hargeysa

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii goordhaw ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---