Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay meel ku dhaw xarunta Tayaatarka iyo sidoo kale Madxafka Qaranka ee kuyaala magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa mid aad u xoog badan oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaa goobta qaraxa ka dhacay sidoo kale kuyaala koontarool ciidanka Koofiyo casta ka ilaaliyaan Madaxtooyada Soomaaliya.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu geestay khasaaro badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay ku yaala goobo ganacsi iyo goobo shaaha laga cabo.
Xarunta Tayaatarka Qaranka uu qaraxu ka dhacay meel ku dhaw ayaa sidoo kale la sheegay in xiliga uu qaraxu dhacayay uu ka socday ololaha is Xilqaan ee shaqaalaha dowlada uga qeyb galaan dhismaga Tayaatarka Qaranka.
Ciidamada amaanka ayaa gabi ahaan xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday dhaawacyada iyo sidoo kale dadkii ku dhintay qaraxa, waxaana goobta qaraxu ka dhacay yaala gaadiid badan oo waxyeelo soo gaartay.
Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxan ayaan si dhab ah loo ogeyn wali, laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin qaraxan xoogan iyo khasaaraha uu reebay.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com