Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dal Yurub kuyaala oo soo saaray sharci cusub oo ku qasbaya dadka Muslimiinta ah ee qaadanaya dhalashada in ay…

Wadamada Yurub waxaa maalin kasta gaara Muhaajiriin badan ay ku jiraan dad muslimiin ah oo dalalkaasi u raadsada nolol iyo amaan, waxaana baahida ugu badan ee dadkaasi qabaan ayaa ah in ay helaan sharciga dalka ay iska dhiibaan.

Dalka Denmarka ayaa kamid ah wadamada ay iska dhiibaan dadka Muslimiinta ah ay ku jiraan Soomaalida, waxaana dalkaan uu hada soo saaray sharci dadka Muslimiinta lagu qasbayo in ay gacanta galiyaan qof ajnabi ka ah.

Dowlada Denmark ayaa soo saaray sharci cusub oo ku qasbaya dadka qaadanaya dhalashada dalkaasi in maalinta la dhaarinayo ay gacan-qaadaan mas’uuliyiinta guddoonsiinaysa dhalashada.

Sharcigan ayaa macnihiisu yahay in dumarka qaadanaya dhalashada dalkaasi ay gacan qaadaan masuulka ninka ah ee guddoonsiinaya shahaadada, haddii uu nin yahay qofka dhalashada qaadanayana uu gacan qaado masuuliyiinta dumarka ah.

Waxaa sharcigan cusub ee soo saartay Denmark u muuqdaa mid si gaar ah ugu socda  dadka muslimka ah ee qaadanaya dhalashada dalkaasi, waxaana sharcigan cusub uu yahay mid dadka Muslimiinta lagu qasbayo in ay gacan qaadaan ajnabi iyaga oon raali ka aheyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Max’ed Bin Salman uu booqasho qarsoodi ah ku tegay Israel?

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Saacado kadib ka hadlay Dilka Madaxweynihii Chad

Cabdi Cade

Xiisad siyaasadeed oo caawa ka taagan Madaxtooyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---