Mid ka mid ah howlwadeenadooda gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka ayaa si khaldan u riixay bar loogu talagay in laga dirro digniinaha khatarta soo wajahan, taasoo dadka loogu sheegay digniin tilmaamaeysa in gantaal riddo dheer uu gobolka ku soo wajahan yahan sida uu sheegay Gudoomiyaha gobolkaas David Ige.
Mr. Ige ayaa raaligelin ka bixiyay khaladkaas dhacay waxaana uu sheegay in la qaaday tallaabooyin loogaga hortagayo in khaladkan uu markale soo laabto.
Dadka gobolka Huwaii ayaa aroortii hore ee subaxii Sabtida waxa ay hal mar ku baraarugeen digniin culus oo ah in gantaal riddo dheer uu ku soo wajahan yahay ayna tahay inay gabbaad raadsadaan.
“Gantaal riddo dheer ayaa gobolka Hawaii ku soo wajahan ee gabbaad raadso. Tani ma ahan ciyaar ciyaar”a ayaa lagu yiri fariinta, hase ahaatee markii dambe digniintaasi waxay noqotay mid si khalad ah lagu diray.
Barasaabka gobolkaasi David Ige ayaa khaladka dhacay raaligelin ka bixiyay waxa uuna sheegay in qof ka mid ah howlwadeenadooda uu si khaldan u riixay meesha laga diro digniinaha culus.
Hannaan lagu diro fariimmaha degdega ah ayaa gobolkaasi ku rakiban sababtana waxaa lagu sheegay halka uu gobolkaasi ku yaal oo ay suuragal tahay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi ay soo gaari karaan.
Gobolka ayaa markii ugu horraysay tan iyo dhammaadkii Dagaalkii qaboobaa ee dunida waxa uu bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafay tijaabiyay dhawaqa digniinaha.
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in baaritaan buuxo arrintaasi lagu sameyn doono.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com