Allbanaadir.com
NEWS

Danjirihii Maraykanka u fadhiyey dalka Panama oo sabab yaab leh isku casilay

Safiirkii dowladda Mareykanka u fadhiyay dalka Panama ayaa iscasilay isagoo iscasilaadiisa sabab uga dhhugay inuusan la shaqayn Karin Madaxwayne Donald Trump.

John Feeley oo horrey u ahaan jiray duuliye ayaa yiri “Waxaa sharaf ii ah in aan iscasilo.

Arrintani jawaab toos ah uma aysan ahayn hadalkii la sheegay in Mr Trump uu ka soo yeeray kaasoo uu ugu gefey Haiti iyo wadamada qaarada Afrika.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in uu xilka ka tagay Mr Feeley.

Waxa ay sidoo kale wasaarada sheegtay in sababo u gaar ah uu isu casilay safiirka Mareykanka u fadhiyay dalka Panama .

Siyaasadaha madaxwayne Trump ee ku aadan dalalka gobolka sida Salvadore, Haitian iyo Nicaraguan ayaa wax ka dhashay caro.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka madaxwayne Trump uu ku dhawaaqay in kumannaan qof oo u dhashay dalka Salvadore ay isaga baxaaan dalkaasi Mareykanka.

Elizabeth Shackelford, oo ahayd wakiilkii dowladda Mareykanka u qaabilsanayd arrimaha Soomaaliya ayaa xilka iska casishay bishii December.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Waxaa La Gaaray Waqtigii Reer Galbeedka ay Ku Dayan Lahaayeen Maalgashatada Bariga

Cabdi Cade

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Nin dad badan ku laayay magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---