Allbanaadir.com
NEWSXULKA

Dowlada Federaalka Maxey uga dhigan tahay Doorashadii ka dhacday Koonfur Galbeed ?

Doorashada Madaxweynaha maamulka Koofur-galbeedĀ  Soomaaliya waxa ay ahmiyad iyo Mudnaan gaar u leedahay Dadka iyo Dawladda federaalka Somaaliya.

Sedexda Gobal ee uu ka kooban-yahay Maamulka Koofur-galbeed waxa uu saamayn toos ah iyo mid dadban ku leeyahay Siyaasada iyo Nolosha Dhammaan Gobalada Somaaliya,waa Gobalka ugu dadka badan uguna horumarka yar, ugu dhaqaalaha iyo wax soo saarka badan uguna Gaajada iyo Faqriga badan, ugu Nabad jacel uguna Amni daran, ugu dhaw Caasimada Muqdisho kuna tiirsantahay Nolosheedu.

Waa Gobalka ugu baahi badan Dawlad-nimo iyo Dawlad dhexe iyo mid Gobal, Dawladuna ugu baahi badantahay taageerada iyo Gacanta Gobalkaas.Waa Gobal isku xira Gobalada Koofur iyo Waqooyi, udub dhexaadna u ah Xasiloonidooda iyo Deganaashahooda.

Dadka leh maxay Dawladda dhexe u fara gelinaysaa Gobalkaan waxa aysan ka warhayn Khilaafkii dhex maray Maamulkii hore ee Shariif Xasan iyo Xasan Sheekh 2015, markii Maamulka Koofur galbeed uu CALAN surtay Xaafad ka mid ah Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir ee Jazeera, kadibna ay qasab-noqotay in Ciidan loo diro oo Dagaal lagu xalliyo, Calankiina Xoog lagu siibo!

Doorashadii Shalay ka dhacday Baydhabo waxa ay Astaan u tahay soo noqoshada Awoodda Dawladnimo ujeedkeedu yahay in la hoos keeno Gobalada Dalka oo dhan Dawlada dhexe, waxa ayna fure u taha Cahdi cusub oo u bilawday Siyaadadda Somaaliya, xirayna Albaabo horay u furnaa jiray sida:

1. In doorashadii KOonfur Galbeed aysan Sharciyeyn kana qeyb galin IGAD iyo Beesha Caalamka, kaliya ay Goobjoog ka ahaayeen ayna Aqoonsadeen kuna Dhawaaqeen Golayaasha Federaalka gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha.

2. In laga sheegtay Faragelinta Dawladda dhexe kaliya laakiin aan laga sheegan faragelintii shisheeye.

3. In la sheegay Musharax iyo Dhaqaale Dawladda dhexe lkn aan la sheegin Musharax iyo Dhaqaale Shisheeye.

4. In ay fashilantay faragelintii Madaxda Gobalada iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada Xamar, ayna guulaysatay faragelintii Dawladda dhexe.

5. In ay dhammaatay Ololihii Doorashada Gobalada ee lagu geli jiray; waxaan idanka difaacayaa Dawladda dhexe, waxaana idinku xirayaa Beesha Caalamka.
Doorashadii Koonfur Galbeed kadib Halku dhega Murashaxiinta u tartamaya Doorashada Gobalada waxa uu noqon-doonaa: (Dawladda dhexe ayaan la shaqayn-doonaa, idinkuna xirayaa) si uu cod uga helo Shacabka iyo Xildhibaanada.

6. In uu dhamaaday Siyaasigii Xanaaqsanaa ee u Qayla-dhaamin jiray shisheeye ama u carari-jiray! Kadib markii ay u cadeeyeen Ciidamadii ay soo dirsadeen in ay ka amar qaadan-doonaan Dawladda dhexe kaliya.

7. In uu naga dhamaaday Siyaasi ku kiciya dadka; waa wareey Gobalkayga iyo Qabiilkayga ayaa loo socdaa ee ha laga kaco fadhiga!

8. In ay naga dhamaatay Gobalkaan taladiisa aniga ayey ii gaar-tahay, Dawladda dhexe na haddii aan la igala tashan xiriirka ayaan u jarayaa.

Ugu danbayn waxaa is bedelay aragtidii iyo qaab dhismeedkii Maamul gobaleedyada wixii ka danbeeyey shalay, waxaana rajaynaynaa in la helo wado looga gudbo hab-dhaqankii hore ee Madaxda Maamul Gobaleedyada.

W/Q DrĀ Mohamed Gacal

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa sababay in Mpappe uu ka tago dalka Cameron ee asal ahaan uu ka soo jeedo?

Caydiid Ali

Senator laamaha amniga u gacan geliyey askari ka tirsanaa ilaaladiisa oo dil geystay

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo mar kaleĀ  ka codsatay Kenya in ay usoo gacan galiso C/rashiid Janan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---