Gabar 11-sano jir muslim ah oo kunool magaalada Toronto ee caasimada dalka Canada ayaa fal cunsuriyad ah lagula kacay kadib markii la weeraray xili ay magaalada dhax socotay.
Nin aan wali heybtiisa la aqoonsan ayaa gudaha magaalada Toronto ku weeraray gabar 11-sano jir ah oo xijaab xirneyd, waxa uuna ninkan isku dayay in uu gabadha xijaabka uga wada jaro maqas uu watay.
Khawlah Noman, oo 11 jir ah ayaa la weeraray xili ay iskuul kusii jeeday waxaana la socday walaalkeed , waxaana xiligaasi gadaal uga yimid nin maqas watay oo qeyb kamid ah xijaabkeeda ka jaray, gabadhan ayaana qeylisay waxaana cararay ninkii weerarka geestay.
War kasoo baxay booliiska Toronto ayaa lagu sheegay in falkan uu ahaa mid naceyb ku saleysan uu geestay nin aan wali la aqoonsan balse loo maleenayo in uu kasoo jeedo qaarada Asia.
Raisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau oo ka hadlay dhacdadan ayaa si kulul u cambaareeyay, waxa uuna sheegay in falalka nuucaan ah aysan ka turjumeyn dalka Canada aadna uga xun yihiin.
Gabadha yar ee loo geestay Weerarka Jinsi naceybka ayaa sheegtay in xiligan dareemeyso cabsi xoogan oo ku aadan in loo beegsado xijaabka ay wadato.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com