Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Caqabadaha Dowladiisa kala kulmeyso Mucaaradka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dowladiisa ay soo wajahday mucaaradad uga imaaneysa kooxo kala duwan.

Waxa uu sheegay Farmaajo dadka Mucaaradka ku ah dowlada Federaalka uu hogaamiyo in ay caqabad ku yihiin in dalku gaaro horumar lagana gudbo waxii dhibaato ahaa oo lasoo maray.

Madaxweynaha ayaa codsaday in loo daayo dowlada Waqtiga sharciga ah ee u haray, waxa uuna tilmaamay in Siyaasiyiinta dhaqan ka dhigteen in laga hor yimaado xukuumad kasta loona diido in sanad dhaafto,isaga oo xusay in la doonayo in dhaqankaasi laga gudbo.

Farmaajo ayaa sheegay is qab qabsiga iyo kala fikir duwanaashaha Madaxda dowlada in uu dan ugu jiro qolyaha mucaaradka ah, waxa uuna cadeeyay in dowladaan ay badaleyso hab dhaqankii horey u jiray.

Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la taageero Dowladda halkii laga soo horjeysan lahaa, si uu usii hana-qaado horu-socodka Geedi-socodka Soomaaliya iyo hiigsigeeda fog ee Mustaqbalka la doonayo in la gaaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo ma gabay masuuliyadii ka saarneed Shacabka Danyarta ah ee dagan Xiryaha !!

Cabdi Cade

Cabdiraxman Cabdishakur “ Dagaal kama dhacayo Muqdisho ee Farmaajo ayaa ka siibaynaa Meesha Ha wal walina “

admin

Bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah oo muddo kooban la hakiyey & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---