Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Kumaandooska Somalia oo bur buriyay Saldhig Al Shabaab lahaayeen (Daawo Sawirro)

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheesan ka fuliyay Deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ciidankan la sheegay in ay bur buriyeen saldhig Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Saraakiil katirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Afka Dowlada ku hadasha ayaa sheegay in ay bur buriyeen saldhig Al Shabaab weeraro kasoo abaabuli jireen oo kuyaala deegaanka Leego.

Waxa ay sheegeen Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya in ay ku dileen 10-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab howlgalka ay ka fuliyeen Deegaanka Leego sidoo kale kusoo qabsadeen hub iyo saanad ciidan.

Taliyaha Ciidanka Kumaadooska Soomaaliya ayaa sheegay in ay ciidankooda kordhiyeen howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay gacan ka siiyaan ciidanka Kumaandooska.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa marar badan howlgalo qorsheesan oo ka dhan ah Al Shabaab ka fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose iyaga oo gacan ka helaya ciidamo Mareykanka ah oo ku sugan saldhiga Bali Doogle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble iyo Musharaxiinta oo ku dhow iney heshiis hordhac ah gaaraan.

Caydiid Ali

Kaalintee Somalia ka gashay liiska dalalka Caalamka ugu Nabdoon sanadkii hore ?

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Xuska Dabaal dega 18-ka May oo saakay ka socota Hargeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---