Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Maamulka Degmada Buur hakaba ee gobolka Bakool ayaa soo bandhigay sargaal ay sheegeen in uu kasoo goostay Xarakada Al Shabaab ,kaa oo isku soo dhiibay ciidanka amaanka.

Sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab oo magaciisa lagu sheegay  Ibraahim Xasan Cali ayaa in mudo ah ka tirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab, waxa uuna ugu dambeyn isku dhiibay maamulka Buur Hakaba.

Ibraahim Xasan Cali oo ka hadlay goobta lagu soo bamndhigay ayaa sheegay in uu go’aansaday in uu kasoo baxo Al Shabaab, waxa uuna tilmaamay in uu mudooyinkan jiray khilaaf iyo kala shaki kooxda dhaxdeeda ka jiray.

Degmada Buur Hakaba ayaa dhawaan sidan oo kale loogu soo bandhigay xubno kale oo la sheegay in ay kasoo goosteen Al Shabaab, mana jiro wax war ah oo arinkan ku aadan oo kasoo baxay dhinaca Al Shabaab .

 

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ku qarsan ciida Chrismas Day ama ciida miilaadiga!! (Daawo Muuqaal)

admin

Goob laga qodi jiray Macdanta oo si lama filaan ah isugu bedeshay Goob Dalxiis (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyihii xalay is-casilay ee Booliska Dhuusamareeb oo laga soo dejiyey Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---