Allbanaadir.com
NEWS

Xaliimo Yareey iyo ilaalo la socotay oo galabta lagu xiray magaalada Dhuusa Mareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in galabta magaaladaasi lagu xiray Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Madaxabanaan  Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) io ilaalo la socotay.

Sida aan Wararka ku heleyno Xaliimo Yareey oo safar dhinaca dhulka ah ku gashay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa la sheegay in ay murmeen ayna diideen in la baaro ilaaladii la socotay iyo ciidamada Ahlu Sunna ee ka taliya magaalada Dhuuso Mareeb.

Ciidamadii ku sugnaa Dhuuso Mareeb ayaa la sheegay in xabsiga geeyeen Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey iyo ilaaladii la socotay, waxaana warar hada soo baxaya sheegayana in Xaliimo Yareey la sii daayay.

Ma jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Dhuuso Mareeb oo ku aadan xariga galaba loo geestay Xaliimo Yarey iyo ilaaladii la socotay, waxaana si weyn arintan galabta looga dareemay magaalada Dhuuso Mareeb.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Shaaciyay in Dambiyo dagaal ka dhaceen Itoobiya fartana ku fiiqay cidda ka dambeesay

Cabdi Cade

Hooyo dalbatay in ay aragto wiilkeeda kahor inta aysan dhiman (Sawirro)

Cabdi Cade

DAAWO TOOS: Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo bilaabatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---