Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Wasiirada oo ansixiyey go’aanka ay Somalia ugu biirtay COMESA (Daawo Sawirro)

Kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada oo uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa lagu meel mariyay heshiiskii magaalada Lusaka ee dalka Zambia lagu gaaray ee Soomaaliya ay kula biirtay Suuqa ganacsiga ee Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA).

Golaha ayaa falanqayn kadib waxa ay ansixyeen heshiiska ku biiritaanka suuqa ganacsiga Bariga iyo koonfurta Afrika oo ah suuq ay ku midaysanyihiin in ka badan 20 dawladood oo Afrikaan ah kaas oo ra’iisul wasaare Xasan Cali khayre uu xubinnimada Soomaaliya ku saxiibay magaalada Lusaaka July 19, 2018.

Suuqa Bariga iyo Koofurta Afrika (COMESA) oo la’aasaasay December 8, 1994 ayaa dhiirri gelinaya kobaca dhaqaalaha gobalka iyada oo loo marayo ganacsi iyo maalgashi, waxa ayna ku biiritaanka Soomaaliya kaabaysaa qorshayaasha lagu dardar-gelinayo koboca iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dhanka kale, wasiirka amniga gudaha, maxamed Abuukar Islaawn(Ducaale), ayaa golaha wasiirrada warbixin ka siiyay amniga guud ee dalka iyo dadaallada loogu jiro xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisadda ee Shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo si qurux badan loogu oo dhaweeyay Qaahira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirrada oo Go’aano cusub soo saaray Sharciyo la horkeenayna ansixiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Milatariga Soomaaliya oo Shaaciyay in ay qabteen sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---