Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wadooyinka Muqdisho qaarkood oo saakay xiran iyo sababta oo la ogaaday

Waxaa saakay xiran qaar badan oo kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka xiran lasoo dhigay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo amaanka xaqiijinaya.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah wadada halboolaha ah ee Maka Al Mukarama iyo wadooyin kale oo kuyaala magaalada, waxaana gaadiidka dadweynaha iyo kuwa raaxada loo diidayaa in ay maraan wadooyinka qaar.

Sababaha loo xiray wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay tahay munaasabada dabaal dega aas aaska ciidanka booliiska Soomaaliya oo maanta Muqdisho lagu qabanayo, waxaana munaasabadan ka qeyb galaya madaxda sare qaarkood.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka qaar lasii xiray xalay halkaas oo la dhigay ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo amaanka xaqiijinaya inta ay munaasabada socoto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xal Hoose laga gaaray khilaafkii ka taagnaa Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi

Cabdi Cade

Halis ku soo wajahan Boosaaso & Saraakiisha amniga Puntland oo ka digay

Caydiid Ali

Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka dowladda Shiinaha oo hareereeyay Taiwan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---