Allbanaadir.com
DIINTA

Wasiir kale oo xilka iska casilay, faahfaahina ka bixiyey sababta iscasilaadiisa

Wasiirkii arimaha gudaha ee Maamulka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa iska casiley xilkaas ka dib shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garowe.

Timacade ayaa iscasilaadiisa ka dib ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay doorashada xilka Madaxweyne ee ku xigeenka Puntland ee 2019-ka.

Dhinaca kale, waxaa uu soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed haddii loo doorto xilka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Waa wasiirkii labaad ee ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Gaas oo xilka iska casila kuna dhawaaqa inuu u sharaxan yahay jagadda madaxweyne Ku-xigeenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dowlad degaanka Soomaalida oo War ka soo saartay dagaalka mar kale ka qarxay Itoobiya

Caydiid Ali

Koobka Khaliijka ee lagu qabtay Dooxa oo Xaqiijiyay Awood Diblomaasiyadeed

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo ku baaqay in farxadda ciida la deeqsiiyo dadka danyarta ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---