Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la doortay (Yaa ku guuleestay)

Waxaa goordhaw soo dhamaatay tirinta codadka Wareega koobaad ee doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hada si toos ah uga socota hool kuyaala magaalada Baydhabo.

Doorashada waxaa ku tartamayay ilaa shan Musharax , waxaana wareega koobaad ee doorashada codadka ugu badan helay Musharax Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen oo ku guuleestay in uu noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Musharax Cabdicasiis Lafta Gareen oo dowlada Federaalka ka helayay taageero balaaran ayaa helay 101- cod halka Musharax labaad ee kusoo xigay oo ahaa Aadan Saransoor uu isna helay 22- Cod.

Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee codadka dhiibtay ayaa ahaa 147-Xildhibaan, waxaana doorashada wareega koobaad Musharaxii hela sadex meelood meel ku guuleesanayay doorashada , waxaa jiray codad badan oo halaabay.

 

Halkan ka Akhriso sida Musharaxiinta codadka u kala heleen

1-Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen 101-cod

2-Xuseen Cismaan Xuseen 2-cod

3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor 22-cod

4- Ibraahim Macalin Nuunow 7-cod

5-Seyid Axmed Sheeikh Daahir 4-cod

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo ka digay dhul boob ka socda Suuq ku yaala Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali

SSC oo war ka soo saartay dagaalo ka soo cusboonaaday gobolka Sool (Akhriso)

Caydiid Ali

Daryeel haloo raadiyo Labada Halyey ee Cabey iyo Maxamed Sheekh (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---