Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Waare oo Jowhar ka furay Kalfadhiga Baarlamanka Hirshabelle

Kalfadhiga Baarlamaanka Hirshabelle ayaa maanta ka furmay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) Guddoonka Baarlamaanka Xildhibaano, waxgarad, Siyaasiyiin & marti sharaf kale .

Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabelle & ku-xigeenkiisa Shiikh Cisman Barre Maxamed iyo Marwo Canab Cabdi Ciise oo khudabdo ka jeediyay ayaa ka hadlay waxqabadka Baarlamaanka iyagoo sheegay in ay qeyb ka ahayd isbedelkii hoggaanka sare ee maamulka Hirshabelle

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyn si rasmi ah u furay kalfadhiga 3aad ee Baarlamanka isagoo xildhibaanada Maamulkiisa ugu baaqay iney waxqabad la yimaadaan mudada uu kalfadhiha furan yahay isagoo dhinaca kale bogaadiyay booqasahada Madaxweyne Farmaajo ku marayo Puntland

Dhinacyada Somaliland & Puntland ayuu sidoo kale ugu baaqay inay joojiyaan colaada ka dhex jirta ayna wixii khilaafaad ah ee jira ku xaliyaan nabad iyo wadahadal maadaada ay yihiin dad Soomaali ah oo aan is hurin derisnimana ay ka dhexeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo ku laabtay Garoowe, kulamo xasaasi ah ahna la leh Maamulkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Kulanka Baarlamaanka oo furmay iyo ajande xasaasi ah oo laga doodayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Hirshabelle oo shir Xasaasi ah ku yeeshay Baladweyne (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---