Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo goob Fagaare ah ku Toogatay Maxamed Cali Maxamed 

Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxa ay ku dileen nin ay sheegeen in uu ahaa Sargaal katirsanaa ciidanka dowlada sidoo kale la shaqeenayay ciidamada AMISOM.

Maxkamad ay leeyihiin Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku riday Maxamed Cali Maxamed (Kartoon) oo Maxkamadu sheegtay in uu ahaa sargaal katirsan ciidanka dowlada , waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in uu ninkan ridoobay.

Fagaaraha lagu tooganayay Maxamed Kartoon waxaa soo buux dhaafiyay dadka ku dhaqan deegaanka Gamboole , waxaa sidoo kale fagaaraha ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsanaa Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa xukuno dil ah ku fulisa dadka ay ku eedeeyaan in ay katirsan yihiin dowlada ama la shaqeeya, waxa ay sidoo kale xukuno dil ah ku fuliyaan dadka ay ku eedeeyaan jaajuusnimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada Ciidamada oo War kasoo saartay dilalka ciidanka dowlada u geestaan Shacabka

Cabdi Cade

Dhageysiga Dacwado ka dhan ah Masuuliyiin ay ku jiraan Koofi iyo Jurus oo socota

Cabdi Cade

Nin iyo xaaskiisa oo iska duubay muuqaalo anshax-xumo ah oo xukun lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---