Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo booqday xerada tababarka Booliska Carmo, una gudbay Boosaaso (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya deegaanada Dowlad goboleedka Puntland, ayaa booqday xarunta labaad ee tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ku taalo magaaladda Carmo.

Madaxweynaha, ayaa halkaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Dusgiga tababarka ku sugan, waxaana uu ka xog wareystay sidda ay u socdaan howlaha dugsigaasi, isaggoo ku dhiiri geliyey inay sii laba jibaaraan shaqada adag ee qaranka ay u hayaan.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ku guda jira Booqashadiisa uu ku marayo deegaano badan ee loogu magacdaray Socdaalka Nabadda, ayaa Safar dhulka ah ku tagay Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Barri, halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galay safarkiisii ugu dheeraa ee dhul Soomaaliya kamid ah uu ku maro inta uu madaxweynaha ahaa.

Wuxuu gaari ku socday qiyaastii 440km oo ah dhulka u dhaxeeya Garowe iyo Boosaaso. Ammaanka madaxweynaha waxaa sugaya ciidamada dowlad goboleedka Puntland iyo ilaalo gaar ah oo Muqdisho kala safaray.

Qiyaastii 200 ilaa 300 oo dagaalyahan oo uu hoggaamiyo Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo horay uga tirsanaa Al-shabaab balse ka goostay oo ku biiray ururka la baxay dowladda Islaamka oo si aad ahan u hubeysan ayay fariisin u tahay buuraha Galgala oo qiyaastii 60 Kiiloomitir Boosaaso u jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Markab Xamuul oo ka shiraacday Dekad kutaalla Jabuuti oo Gantaalo lagu weeraray

Cabdi Cade

Ciidanka Gorgor oo burburiyay Doon la sheegay in ay adeegsan jireen Al Shabaab

Cabdi Cade

Burundi oo Madaxweyne cusub loo dhaariyey ka dib geeridii Nkurunziza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---