Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo cafis shuruudeysan u fidisay Siyaasiyiinta Mucaaradsan

Wasaaradda amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay cafis shuruud ay ku xiran tahay oo loo fidinayo siyaasiyiinta mucaaradsan.

Afhayeenka Wasaaradda amniga C/casiis Xildhibaan oo Saxafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaliya ay cafis u sameyneyso siyaasiyiin dowladda ugu eedeysan qaran dumis, haddii ay joojiyaan dhaqankooda la xiriira wax duminta iyo baabi’inta rajada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in hay’adaha ammaanka ee dowladdu ay isku afgarteen in siyaasiyiintan lala xisaabtamo haddii ay dhacdo in mar kale ay soo celiyaan falka hadda ay ku eedeysnayeen.

Afhayeenka Wasaaradda amnigu ma sheegin magacyada siyaasiyiintan uu sheegay in dowladdu ay cafiska fidineyso.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaan weli ka jawaabin cafiska shuruudeysan ee dowladdu u fidisay waxaana dad badan ay aaminsan ineysan soo dhoweyn doonin oo ay halkooda ka sii wadi doonaan waxyaabaha ay dowladu ku dhibsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka Marxuumad Xildhibaan Aamino oo lagu aasay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Daah furay adeega Daadejinta ee Dowladaha Hoose (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Mudo kororsi laga cabsi qabo in Dowlada sameyso

Cabdi Cade
Taboola Ads ---