Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta dhaqanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhagax dhigay xarunta Dhaqanka Soomaaliyeed oo laga dhisayo magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Farmaajo oo booqasho ku maraya deegaano katirsan Puntland ayaa dhagax dhigay xarun loo dhisayo Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana dhulka xaruntan laga dhisayo bixiyay Boqor Burhaan Boqor Muuse .

Cabdiweli Gaas Madaxweynaha Puntland oo munaasabada dhagax dhiga ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Qardho ay tahay xarun ku caan ah dhaqanka Soomaaliya, sidaas darteedna loo doortey in laga dhiso xarun lagu keydiyo oo laga heli karo dhamaan dhaqanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku jooga Deegaano katirsan maamulka Puntland ayaa dhagax dhigay dhismayaal iyo laamiyo laga hirgalinayo Magaalooyin kuyaala gobolada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muxuu yahay heshiiska Somalia la saxiixatay ururka caalamiga ah ee ITU? (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo codsi iyo digniin wada socda u soo dirtay Raisul Wasaare Khayre

Caydiid Ali

Nin Soomaali ah oo loo doortay Guddoomiyaha Maxkamada caalamiga ah ee Hague

Caydiid Ali
Taboola Ads ---