Allbanaadir.com
NEWS

Tuugo dhacday Dahab jooga Malaayiin Dollar oo la baadi goobayo (Daawo Sawirro)

Booliiska Faransiiska ayaa baadi goob xoogan ugu jira tuugo u dhacday dukaan lagu iibiyo dahabka, waxa ayna dukaankaasi ka qaateen Dahab qiimihiisa lagu qiyaasay  3.5 milyan oo giniga istarliinka ah.

Shan nin oo burcad ah oo watay faasas ayaa jabiyay albaabka dukaan lagu iibiyo dahabka qaaliga oo kuyaala Dhismaha Hotelka Ritz ee magaalada Paris, waxa ayna halkaasi ka qaateen dahab qaali ah.

War kasoo baxay booliiska magaalada Paris ayaa lagu sheegay in ciidamada booliiska gacanta ku dhigeen sadex kamid ah ragii burcada ahaa, waxa ayna ciidamada baadi goobayaan labo kale oo baxsad ku jira, mana sheegin booliiska in dahabka heleen.

Dukaankan dahabka lagu iibiyo ee la jabsaday ayaa ku yaala Hotelka Ritz oo caan ka ah magaalada Paris,  Hotelkan ayaana ku yaalla Place Vendôme, halkaas oo ah goob taariikhi ah iyo halkii ay ka alkumantay Paris.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bulshada Soomaaliyeed oo xiligan u Qeybsantay Quus iyo Qanac !!!

Cabdi Cade

Duqeyn la sheegay in lagu burburiyey Idaacadda Andalus ee degmada Bu’aale

Caydiid Ali

Ciidamada Maraykanka oo war ka soo saaray duqeyn ka dhacday Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---