Allbanaadir.com
NEWS

Dhalinyaro Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Magaalada Cape Town

Kooxo burcad ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika ayaa galabta dhalinyaro Soomaali ah dil iyo dhaawac ugu geystay Magaalada Cape Town sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Yuusuf Max’uud oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee ku ganacsata dalka Koonfur Afrika ayaa lagu dilay degaanka Khayalisha oo ku dhow magaalada Cape town ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen rag hubeysan.

Dilka marxuumkan ayaa waxaa allbanaadir.com u xaqiijiyay Cabdi Calas Guurre oo ah gudoomiyaha Jaaliyada Save Somali Community ee dalka Koonfur Afrika.

Isla maanta  ayaa Labo kale oo Soomaali ah waxaa sidoo laagu dhaawacay degaan hoos taga magaalada Cape town kuwaasoo haatan lagu daweynayo goobo caafimaad.

Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya xili maanta Soomaalida ku dhaqan dalka Koonfur Afrika qaarkood ay mashquul ku ahaayeen aaska labo Soomaali ah oo maalmo ka hor lagu dilay gudaha dalkaas.

Soomaali fara badan ayaa sanadihii ugu dambeeyey lagu dilay dalka Koonfur Afrika kuwaasoo siyaabo kala duwan uga shaqeysanayey dalkaas, waxaana dilalka Soomaalida ay halkaas ka noqdeen kuwo joogto ah, dowlada wadankaasna illaa hadda waxba kama qaban, umana muuqato iney wax ka qabaneyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Shan qof oo lagu dilay toogasho cusub oo ka dhacday Mareykanka

Caydiid Ali

Labada Kuuriya oo saacadaha soo socda qaadaya talaabo farxad gelinaysa dad badan

Caydiid Ali

Faransiiska oo taageeraya Denmark si Mareyakanka uusan u qabsan Greenland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---