Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada :Kulankii dhax maray Gudoomiyaha golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa oo..

Gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeen Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayaa maanta kulan albaabada u xirnaayeen waxa ay ku yeesheen Muqdisho.

Kulanka ay yeesheen Gudoomiyaha golaha shacabka iyo kuxigeenadiisa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka labada Aqal kuwaa oo iyana qeyb ka ah xalinta khilaafka u dhaxeeya Gudoonka golaha shacabka.

Sida aan Wararka ku helnay kulanka ayaa looga hadlayay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka soo kala dhax galay gudoonka golaha shacabka iyo sidoo kale mooshinka muranka badan dhaliyay ee laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

Kulanka ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa arimaha looga hadlayay in qeyb ka aheyd xiisada ka taagan magaalada Baydhabo iyo xariga Xukuumada Soomaaliya u geesatay Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Kulanka dhax maray Gudoomiyaha golaha shacabka iyo kuxigeenadiisa oo ka dhacay Hotelka Pradise ayaa soo dhamaaday, walina lama oga waxyaabaha labada dhinac isku afgarteen ee kulanka kasoo baxay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Diiwaangelinta Barakcayaasha ku nool magaalada Muqdisho oo la daahfuray

Cabdi Cade

Nin hubeysan oo weerar Khasaaro lagu gaarsiiyay Israa’iiliyiin fuliyay

Cabdi Cade

Putin oo uga digay Maraykanka dhacdo la mida qalalaasihii gantaallada ee Cuba

Cabdi Cade
Taboola Ads ---