Wasiirkii hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somaliya Xildhibaan Cabdifataax Ibrahim Geesey, ayaa goordhaw ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka Wasiirnimo uu ka hayay Xukuumada Kheyre.
Xildhibaan Geesey ayaa ku eedeeyay Xukuumada Soomaaliya in fara galin iyo khas ku wado doorashada Koonfur Galbeed, waxa uuna laga xumaado ku tilmaamay caburinta iyo afduubka Xukuumada ka wado Koonfur Galbeed.
Waxa uu sheegay Wasiirka is casilay in aanay jirin meel dowladda Federaalka ay go’aan kaga soo saartay arrinta Koofur Galbeed in la farageliyo, waxa uuna uga digay Xukuumada faragalinta iyo khaska ay ka wado Koonfur Galbeed.
Xildhibaan Cabdifataax Geesey ayaa sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankii lagu xiray Abuu Mansuur loogana reebayo Doorashada Koonfur Galbeed, waxa uuna xusay in aysan jirin meel lagu go’aamiyay in lasoo xiro Abuu Mansuur loogana reebo Doorashada.
Is casilaada Wasiirkan katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili uu taagan yahay khilaaf ka dhashay mooshinka Madaxweyne Farmaajo iyo xariga loo geestay Mukhtaar roobow oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com