Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin dhintay kumamaan sano ka hor oo qabrigiisa dib loo qodayo (Daawo Sawirro)

Qabri noociisa uu dhif iyo naadir yahay oo aan la taaban muddo 4,400 oo sano ah ayaa laga helay dalka Masar sida ay sheegeen khubaro cilmiga dhulka ku xeel dheer.

Mostafa Waziri oo ah xoghayaha golaha sare ee dhowrista taariikhda dadkii hore, ayaa helitaanka qabrigan ku sifeeyey Mid ka mid ah kuwii ugu xiisaha badnaa ee la ogaaday tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Waxay khubaradu sheegeen in qabrigan oo sida loo sameeyay ay aad cajiib u tahay laga helay Ahraamta Saqqara ee u dhow magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Waxaa ka buuxay sawir gacmeedyo midabbo kala duwan leh iyo taallooyin muujinaya qaar ka mid ah faraaciintii Masar. Waxyaabaha lagu xardhay hareeraha Qabrigan ayaa lagu muujiyay qofka ku aasan oo ah Baadari ka tirsanaa boqortooyada xilligaas Masar ka talineysay, oo lagu magacaabi jiray Wahtye.

Sidoo kale waxaa halkaas lagu arkay sawirrada laga sameeyay hooyadiis, xaaskiisa iyo qaraabadiisa kale.

Khubarada ayaa qodista qabrigan billaabi doona 16-ka bishan Disembar oo ku beegan maanta waxayna filayaan in la helo waxyaabo dheeraad ah oo horseedi kara taariikh kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo kormeer kedis ah ku sameeyay xarumo Wasaaradeed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Weerar lagu laayey Saraakiil & ciidamo 10 ka badan oo caawa ka dhacay Afgooye

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Iska hor imaad goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---