Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Mursal & labadiisa ku-xigeen oo Shir deg deg ah ku leh Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho kulan deg deg ah oo ay iskugu yimaadeen gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeen.

kulankan oo ka ka socda hotelka Pradise ee Magaalada Muqdisho ayaa mid albaabadu u xiran yihiin oo aan saxaafada loo ogoleyn.

Lama oga waxyaabaha laga wada hadlayo balse waxaa loo badinayaa in la isla falanqeynayo sidoo loo soo afjari lahaa khilaafka ka dhashay mooshinka madaxweyne Farmaajo laga keenay iyo kala dirista guddiga Maaliyada.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan ay soo qaban-qaabiyeen dhinacyo kala duwan oo waan waan ka dhex waday labada dhinac.

La soco wixii soo kordha   

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu dambeeyay Dagaal khasaaro geestay oo ka socda Muqdisho

Cabdi Cade

Faahfaahin: Afar qarax oo ka dhacay Magaalo ku taalla dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Cabdi Xaashi oo go’aamiyay in la jadwaleeyo sharciyada Golaha horyaala

Cabdi Cade
Taboola Ads ---