Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Qarax lagu soo dhejiyey gaari ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay xaafada Siigaale ee degmada Hodan ka dib markii uu si lama filaan ah u qarxay gaari noociisa lagu sheegtay kuwa raaxada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ka dib uu gaariga ka kacay dab aad u xoogan iyo qiiq cirka isku shareeray.

Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa qabsaday gaarigan iyo sababta miinada loogu xiray qofka watay oo sida muuqata qorshuhu ahaa in lagu qaarajiyo.

Ciidamada amaanka ayaa goobta xiray, faahfaahin intaas dhaafsana lama hayo weli, hase ahaatee qaraxyada noocan ah ayaa horey dad badan loogu laayey kuwaasoo isugu jiray dad dowlada u shaqeeya iyo shacab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo ka hadlay Eedeytii kasoo yeertay Midowga Musharaxiinta

Cabdi Cade

Maxkamada caalamiga ee ICC oo bilowday dacwad xasuuqa loo heysto Israel (Sawirro)

Caydiid Ali

Xagee ku sugan yahay Madaxweyne Deni oo 40 cisho ka maqan Puntland?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---