Allbanaadir.com
NEWS

Hogaanka Al Shabaab iyo Waxgarad kasoo jeeda Beesha Abgaal oo balan wada galay (Daawo Sawirada)

Qaar kamid ah Hogaanka sare ee kooxda Al Shabaab ayaa kulan kula qaatay Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe waxgarad iyo Odayaal kasoo jeeda Beesha Abgaal.

Kulankan ayaa looga hadlayay sidii beesha Abgaal ee u taageeri laheyd Dagaalka ay ku jirto Al Shabaab, waxaana kulanka goob joog ka ahaa Xubno sare oo katirsan Al Shabaab oo gobolo kala duwan ka kala yimid .

Labada Dhinac ee Al Shabaab iyo Waxgaradka Beesha Abgaal Cismaan ayaa ku balamay in ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan, waxa ayna Waxgaradka beesha u balan qaadeen Al Shabaab in ay taageerayaan.

Xubno katirsan Hogaanka Al Shabaab oo kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay waxgaradka beesha Abgaal ee kulanka la qaateen sida ay garab ugu siiyeen dagaalka ay kula jiraan Dowlada iyo sidii shareecada islaamka dalka loogu xukumi lahaa.

Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo kamid ahaa Waxgaradka beesha Abgaal ee kulanka ka qeyb galay ayaa sheegay in Hogaanka Al Shabaab kula balameen in ay garab istaagaan gacana ka siiyaan dagaalka ay ku jiraan.

Sheekh Xuseen Cali Fiidoow oo kamid ah Hogaanka sare ee Al Shabaab ayaa ku amaanay beesha Abgaal sida ay u garab istaagtay ku dhaqanka shareeca, waxa uuna sheegay in waxgaradka beesha kula balameen in dagaalka ku garab siiyaan.

Hogaanka sare ee Al Shabaab ee ka qeyb galay kulankan waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Shabaab ee Shabeelaha Dhaxe Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade, Gudoomiyaha Shabaab ee Hiiraan Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan , Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub iyo xubno kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulanka Wadatashiga dhismaha golaha deegaanka  Jowhar oo la soo gabagabeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Al-shabaab ay Malaayiin Dollar ku bixinayso xilka ka qaadista Cali Jeyte?

Caydiid Ali

Dalladda Mucaaradka Puntland oo Shaacisay Jadwal Doorasho oo hal dhinac ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---