Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOUTH WEST

Ciidamada Maraykanka oo duqeyn ka geystay degaan ka tirsan Sh/hoose (Akhriso)

Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ay duqeyn ku dileen 8 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo aheyd mid qorsheysan ay ka dhacday goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab degaanka Gendershe ee gobolka Sh/hoose.

“Howlgal qorsheysan oo ka dhacay degaanka Gendershe waxaa howlgalkaas lagu dilay 8 ka tirsan Al-shabaab, mana jirto  dad rayid ah oo wax ku noqday weerarkan”  ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM.

Ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ayaa blihii la soo dhaafay kordhiyey duqeymaha ay la beegsanayaan fariisimaha Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirro iyo Xildhibaanno kasoo jeeda Somaliland oo kahor yimid Heshiiskii Adis Ababa

Cabdi Cade

(Sawirro) Qoor-qoor oo tababar u furay dufcaddii 1aad ee ciidanka Daraawiishta Galmudug

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Ninkii isku qarxiyey Masjidka Peshawar oo ay qabatay kaamerada qarsoon

Caydiid Ali
Taboola Ads ---