Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ku-xigeenka RW oo khudbad ka jeediyey shir caalami ah oo ka furmay Jabuuti (Daawo Sawirro)

Ra’isul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Max’ed Guuleed (Khadar) ayaa maanta dalka walaalaha aanu nahay ee Jabuuti uga qayb gelay shir looga hadlayo arrimaha geeska Afrika.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka oo shirka ku metelayay dawladda Soomaaliya ayaa madashana ka jeediyay khudbad uu uga hadlay isbedelka gobalka geeska Afrika iyo dawrka ay ku leedahay dawladda Soomaaliyeed ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay iney nabad iyo xasillooni kula noolaato dalalka deriska ah.

“Soomaaliya waxay baahan tahay nabad iyo nolol, Soomaaliya waxay baahan tahay iney nabad kula noolaato jaarkeeda, isbedelka Geeska Afrika ka dhacay Soomaaliya waxay uga faa’ideysaneysaa xagga dhaqaalaha, amni iyo xasillooni siyaasadeed iyo in Soomaaliya iyo Itoobiya nabad ku wada noolaadan,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in shirkan oo socon doono mudo saddex cisho ah rajeynayo iney ka soo baxaan waxyaabo mira dhal ah oo wax weyn u tara Soomaaliya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rooble oo War ka soo saaray dabkii xalay qabsaday nawaaxiga Isgoyska Banaadir

Caydiid Ali

Dowladda oo Shaacisay in Boqol Xubnood oo katirsanaa Al Shabaab isku soo dhiibeen

Cabdi Cade

14 arrin oo lid ku ah tanaasulka uu sheegtay Farmaajo & Rooble oo lagu wareejiyey..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---