Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

AMISOM oo ka hadashay xarigii Abuu Mansuur iyo rabshadaha ka dhacay Baydhabo

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa khamiistii magaalada Baydhabo waxa ay ku xireyn kadibna u gacan galiyeen dowladav Federaalka Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

War kasoo baxay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ugu sareeya AMISOM ayaa lagu beeniyay in ciidamada AMISOM iyagu ka dambeeyeen xariga loo geestay Abuu Mansuur.

Amb. Francisco Madiera ayaa sheegay in ciidanka AMISOM aysan wax lug ah ku laheyn xarigii loo geestay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur , waxa uu sidoo kale cadeeyay in aysan gacan ka geesan in Abuu Mansuur Muqdisho la keeno.

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin rabshadihii dadka ku dhinteen ee ka dhacay Baydhabo, waxa uuna xusay in si dhaw ula socdaan waxa ka socda Baydhabo.

Warkan kasoo baxay Madiera ayaa kusoo aaday xili Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sheegeen in dacwad ka gudbinayaan Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ku eedeeyeen in uu fara galiyay arimaha Siyaasada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre & wafdigiisa oo dalka ku soo laabtay & Wasiir Bayle oo ka hadlay natiijada safarkooda

Caydiid Ali

Somaliland oo ka hadashay Sababta Itoobiya u bedeshay Wakiilkii u joogay Hargeysa

Cabdi Cade

Xildhibaan si adag uga hadlay fal ay ku kaceen koox Macawuusley ah oo Hiiraan ka dagaalanta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---