Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay xaalada ka taagan magaalada Baydhabo

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay xiisada iyo rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo, oo ka dhashay xarig shalay magaaladaasi loogu geestay Musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada amniga gudaha Soomaaliya ayaa loogu baaqay shacabka magaalada Baydhabo in ay ilaaliyaan xasiloonida, waxaa sidoo kale shacabka loogu baaqay in ay la shaqeeyaan Madaxweynaha KMG ee Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa shalay iyo maanta waxaa ka socday rabshado iyo banaan baxyo shacabka dhigayeen, waxaana rabshadahan ku dhintay dad badan uu ku jiro Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Amniga

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa sababay in Saciid Deni uu aqbalo booqashada Magaalada Muqdisho?

Caydiid Ali

Warar kala duwan oo kasoo baxaya qofkii fuliyay Qaraxii xarunta gobolka Banaadir

admin

RW Rooble oo sheegay ineysan waxba iska bedelin xiligii loo qabtay dhaarinta Xildhibaanada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---