Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidanka Itoobiya oo taangiyo qafilan la soo galay Wadooyinka Baydhabo (Daawo Sawirro)

Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM ayaa soo galay bartamaha magaalada Baydhabo, iyagoo wata hub iyo taangiyo qafilan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay isku dayayaan iney kala eryaan dadka dhigaya dibad baxyada rabshadaha wata, iyagoo la wareegay goobo badan oo ka tirsan bartamaha Baydhabo.

Dadka dibed-baxyada dhigaya ayaa la sheegay iney baneeyeen goobaha ay soo galeen ciidamada Itoobiya, iyagoo sheeda kala socda dhaqdhaqaaqooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay u dhaqaaqeen goob ay fadhiyaan Maleeshiyaad taageersan  Roobow, iyadoo laga cabsi qabo dagaal dhexmara.

Masuuliyiin iyo waxgarad ka soo jeeda Koonfur galbeed ayaa wada dedaalo lagu soo celinayo xasiloonida Baydhabo inkastoo aysan weli ku guuleysan, ayna sii socdaan rabshadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax maanta ka dhacay Suuqa Xamarweyne iyo Booliiska oo War kasoo saaray

Cabdi Cade

Buuq ka taagan xarunta Gollaha Shacabka iyo Xildhibaanadii lagu soo doortay Gedo oo xarunta galay

Cabdi Cade

Ciidamada amniga oo xiray shirkado lacaga been abuur ah ka qaadayay Bajaajleyda Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---