Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wararkii ugu dambeeyey ee rabshadaha Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa weli cakiran ka dib markii barqanimadii maanta ay sii xoogeysteen bannaabaxyada rabshadaha wata ee lagu taageerayo Mukhtaar Roobow Cali ee ka socda maalintii labaad magaaladaasi.

Dad fara badan, ciidamo iyo maleeshiyo hubeysan oo taageersan wadaadka ayaa saaka  mar kale isugu soo baxay magaalada, waxaana dhacay iska hor imaad ay ku lug lahaayeen ciidamada booliska ee magaaladaasi.

Dibed-baxayaasha oo u badan dhalinyaro ayaa bilaabay inay sawirrada Shiikh Mukhtaar Roobow ku dhejiyaan aargada magaalada ee afar-irdoodka, iyadoo wadooyinka lagu jaray dhagxaan, birro iyo taayero gubanaya oo magaalada u bedelay goob dagaal.

Qaar kale oo ka tirsan dadka dibed baxaya ayaa watay cod baahiyeyaal iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ay ka dhan ah madaxweynaha Somalia laguna taageerayo.

Saaka ayey ahayd markii magaalada lagu dilay xildhibaan ka tirsan Baarlamaankla Koonfur Galbeed, waxayna xaaladu halis u tahay inay faraha ka baxdo maadaama dowladda Soomaaliya uu weli u xiran yahay Mukhtaar Roobow oo shalay qasab looga soo kaxeeyey Baydhabo, lamana oga sida ay noqon doonto xaalada saacadaha soo socda.

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka K/Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaas oo saaka warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadaha halkaas ka socda maalintii labaad balse ma jirto cid warkiisa u hogaansatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Sisi oo kashifay arrin xasaasi ah oo ay ka wada hadleen Xassan Shiikh

Caydiid Ali

Tirada Muhaajiriinta doonyaha ku galay UK sannadkan oo la shaaciyey xilli uu tarxiil bilowday

Cabdi Cade

Ciidamo Mareykan ah oo lagu la’yahay badda Soomaaliya iyo baadigoob xooggan oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---