Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

La-taliyaha Guddoomiye Mursal oo lagala wareegay gaari dagaal & Ilaalo uu lahaa

Heyadda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa la sheegay inay la wareegtay Gaari dagaal iyo ciidamo ilaalo uu ahaa la-taliyaha guddoomiyaha Baarlamanka Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac)  oo hore u ahaa taliye ku xigeenkii NISA.

Wararka ayaa sheegay in ciidamada NISA ay u dhacen xarun uu degan yahay taliye ku xigeenkii hore ee NISA Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo yaqaano (Jaamac), iyadoo kala wareegay Gaari, isla markaana xabsiga u taxaabay ciidamo ilaa 7 askari ah oo ilaalo u ahaa kuwasoo uu hore u heystay.

Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ah nin aad ugu dhow guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, waxaana la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha guddoomiyaha xiiligan la safan, qeybtana ka ah qorshaha mooshinka xil ka qaadista Madaxweyne Farmaajo.

Saraakiil ka tirsan NISA ayaa laga soo xigtay in gaariga iyo ilaalada lagala wareegay Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ay markii hore laheyd NISA haatana ay dib ula soo laabatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Musharaxiin socod dhoolatus ah ku tagay taalada Dajirka Dahsoon (Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Fahad Yaasiin oo dacwad ka dhan ah Guddiga FEIT u gudbiyey Maxkamada Sare

Caydiid Ali

Muxuu agaasime Sanbalooshe ku soo arkay xarunta dhexe ee NISA? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---