Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Qatar oo shaacisay xiliga ay bilaabeyso dhismaha dekeda Hobyo

Wasiirka gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay dawladdiisu bilaabayso mashruuca dhismaha dekadda Hobyo ee gobalka Mudug.

Wasiirka ayaa qorshaha billaabidda mashruucaan ka sheegay kulan gaar ah oo ay wada qaateen ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Cali Khayre, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo kulanka qayb ka ahaa ayaa sheegay in wasiirka dekaduhu uu ra’iisul wasaare Khayre ka ballan qaaday in sida uga dhaqsaha badan ay u bilaabmayso dhismaha dekadda ayna heer gebogebo ah marayaan qorshaha lagu dhisayo.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa bishii Janaayo ee sannadkaan ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha dekadda Hobyo, waxaana horraantii bishii July qiimayn ku tegay wafdi ay hoggaaminayo Wasiirka dekadaha Somalia Maryan Aways oo ay qayb ka ahaayeen khubAro ka socoto dalka Qatar oo dejinaya qorshaha dhismaha dekedaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Jabuuti oo lagu eedeeyey iney taageero Milateri siineyso Somaliland

Caydiid Ali

Dal Yurub kuyaalla oo €200 bilyan ku bixinaya si uu wax uga qabto qiimaha sareeya ee gaaska

Cabdi Cade

Madaxweyne Macron oo la hadlay Abiy Baaqna kasoo saaray Dagaalka Tigrey ka socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---