Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddi loo magacaabay xalinta khilaafka Farmaajo & Mursal (Akhriso Magacyada)

Guddoonka Aqalka sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi xalliya kala aragti duwnaanshaha ka dhex taagan madaxda hey’adaha fulinta iyo golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa ka kooban 7 Xubnood oo laga soo xulay Xildhibaanada Aqalka Sare, waxaana ay xal u raadinayaan khilaafka maalmahaan ka dhexjira Madaxda ugu sareysa dalka ee ka dhashay mooshinka Madaxweynaha.

Xoghayaha Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Guddoomiyaha Aqalka markii uu u kuurgalay xaalada cakiran ee siyaasadeed ee dalka inuu magacaabay Guddigaas.

“Guddoomiyaha Aqalka Sare wuxuu ku kalsoon yahay guddigaas inay xal waara oo cadaalad iyo sharci ku dhisan ka gaaraan khilaafka madaxda dowladda” ayuu yiri xoghayaha.

xubnaha

1-Senator C/risaaq Xasan Jurille (Guddoomiye)

2-Senator C/kaafi Macalin Xasan (Xubin)

3-Senator Cabdi Axmed Dhuxolow (Xubin

4-C/waaxid Cilmi Goonjeex (Xubin)

5-Senator C/llaahi Cabdi Garuun (Xubin)

6- Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Xubin

7- Senator C/risaaq Xasan Cali (Xubin)

Lama oga illaa hadda sida guddigan ay ugu guuleysan karaan khilaafka taagan, iyadoo aqalka sare uu horey ugu fashilmay xalinta khilaafaadka Madaxda dowlada iyo kuwa dowlad goboleedyada inkastoo ay dedaal badan muujiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo markii ugu horeysay ka hadashay iscasilaada danjirihii Somalia u joogay Sacuudiga

Caydiid Ali

Puntland oo diiday Ergayga gaarka ah ee Xassan Shiikh u Magacaabay Somaliland

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---