Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur  oo la sheegay in la xiray iyo Xiisad ka dhalatay

Warar goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya  goordhaw magaalada Baydhabo ku xireen Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed .

Abuu Mansuur ayaa la sheegay in lagu xiray meel aan ka fogeyn xarunta Madaxtooyada magaalada Baydhabo, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in Saraakiil Itoobiyaan ah balamiyeen kadibna la xiray.

Xiisad ayaa laga soo sheegayaa magaalada Baydhabo oo ka dhalatay xariga la sheegay in loo geestay Afhayeenkii hore ee Al Shabaab Abuu Mansuur hadana kamid ah Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in cadaadis xoogan ku heysay Abuu Mansuur, waxaana horey qoraal kasoo baxay Wasaarada Amniga gudaha lagu amray in uusan ka qeyb gali karin doorashada Koonfur Galbeed.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Donald Trump oo lagu soo oogay dembi ka culus kuwii horey loogu heystay

Caydiid Ali

(Akhriso) Afar nooc doorasho oo lagaga doodayo wejiga 3aad ee Shirka Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Jabuuti oo beenisay iney wax lug ah ku leedahay dagaalka ka socda Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---