Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Isimada Gobolka Nugaal (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Garawe ee xarunta Maamulka Puntland kula kulmay Isimada iyo duubabka dhaqanka Gobolka Nugaal.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Dhaqanka ee Hiddo Raac ee magaalada Garoowe waxaa Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda ku casuumay Isimada gobolka Nugaal ay hormuudka u yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Madaxwene Farmaajo oo la hadlay Duubabka Dhaqanka iyo Isimada gobolka Nugaal ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxa uuna sheegay in Dhaqanka kaalin muuqata ku leeyahay nabadeynta iyo dowladnimada Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ku sugan Puntlnad ayaa sidoo kale la filayaa in maanta booqdaan xarumo kale sidoo kale la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin 35-sano kahor ka goostay Ciidamada Cirka Mareykanka oo la xiray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney Muqdisho ku dishay Labo haween ah oo guri la degnaa iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Nin jabiyay Amarka guri Jooga ee Caronavirus looga hortagayo oo toogasho lagu dilay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---