Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo amar cusub faray Wasiirada Xukuumada Khayre (Akhriso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah.

Madaxweyanaha ayaa tilmaamay in ansixinta sharcigan ay aasaas u tahay mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

“Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannadeenna sharafta leh ee Aqalka Sare ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Sharcigaan waxa uu saldhig u yahay xaqiijinta xuquuqda ay leeyihiin dadka naafada ah ee Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay kaalinteeda hoggaamineed ka qaadato hirgelinta Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah iyo dardar gelinta qorsheyaasha ku qotoma xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka naafada ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore ugu baaqay Golaha Aqalka Sare in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga Dhismaha Hey’addan oo ay horey u soo gudbisay Xukuumaddu, ayna ansixiyeen Golaha Shacabka.

Madaxweyne Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhiyeen tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal culus oo saakay ka socda magaalada Boosaaso iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Taliyihii hore ee Sirdoonka Sacuudiga oo kashifay sir culus

Caydiid Ali

Deni oo go’aano deg deg ah ka soo saaray diidmada Shilinka ee degaanada Puntland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---