Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka dhoofaya Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofaya magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar, halkaas uu uga soo qeyb galayo shir lagu casuumay.

Dowlada Qadar ayaa ku casuuntay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in uu kasoo qeyb galo  Madasha Doha Forum oo sanadkiiba mar la qabto, waxaama shirkan lagu casuumaa madax kala duwan iyo Ururo caalami ah.

Shirkan ka dhacaya magaalada Doha ayaa madaxda ka qeyb galeysa waxaa kamid ah Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres , Wasiiro iyo masuuliyiin ka kala socota Wadamo kala duwan.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in shirkan ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya gaar ahaan guulaha ay gaartay dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Kheyre ayaa shirka inta uu socdo iyo kadiba la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa shirkan, waxaa sidoo kale la filayaa in uu kulamo la qaato Madax katirsan dowlada Qadar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Isra’il oo dhiseysa Deegaan cusub oo loogu magac daray Trump (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Shirweynihii Madasha Xisbiyada Qaran oo dib loo dhigay iyo hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbalad oo Daahfuray Mashruuc Dhismo Waddooyin ka kooban 31km (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---