Soomaali xoolo dhaqato ah oo kunool gobolka Kitui ee dalka Kena ayaa waxaa lasoo darsay cabsi kadib markii lagu amray in iyaga iyo xoolahooda mudo 10-maalin ah uga baxaan gobolkaasi.
Xildhibaan Nimrod Mbai, oo laga doortay Kitui , ayaa ugu baaqay in 10 maalin gudahooda Soomaalida halkaasi kunool uga baxaan, waxa uuna ku eedeeyay in caqabad ku yihiin nolosha gobolkiisa.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Soomaalida ay xaalufinayaan beeraha iyo biyaha xoogna xoolahooda ku daajinayaan beeraha, waxa uuna intaa raaciyay hadii arintaas lagala hadlana ay weerar soo qaadayaan.
Qoraal uu Xildhibaankan soo dhigay Facebookiisa ayuu ku sheegay in Soomaalida ay beeraha dadka degaankaas ku daajiyaan xoolaha,marka beeroleyda isku dayaan in xoolaha iska celiyaanna ay weerar kala kulmaan xoola dhaqatada halkaas oo uu ka dhasho khasaare nafeed.
Xildhibaan Nimrod Mbai ayaa sheegay in uu ka dhamaaday dulqaadka uuna amrayo in Soomaalida Xoolo dhaqatada ah ee kunool gobolka ay isaga baxaan mudo 10-cisho gudahooda.
Dhinaca kale Gudoomiye kuxigeenka gobolka Benjamin Nzioka ayaa isna ugu baqaay Soomaalida in ay heestaan fursad 10-maalmood ah ay uga baxaan gobolka, waxa uuna ku hanjabay hadii ay diidaan waxii ka yimaada iyagu aysan masuul ka aheyn.
”Waxaan ognahay in biyo la’aan ka jirto deegaanka, markii ay biyaha dhamaadaan ee uu dhulka qalalo,waxaa ay ku laabanayaan dalkooda,marka biyaha iyo daaqa la helana ay soo laabtaan,taas waxaa ay caqabad ku tahay nolosha kuwa aan guureyn”ayuu yiri Benjamin Nzioka.
Soomaalida xoolo dhaqata ee lagu amray in gobolkan Kenya katirsan ka baxaan ayaa hada waxaa lasoo darsay cabsi ay ka qabaan hadii ay amarka dhagaha ka fureestaan in weerrao la kulmaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com