Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Xafiiskiisa ka soo saaray War-saxaafadeed (Akhriso)

Madaxweynaha  Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay waxbixinta ay soo saartay hay’adda lacagta aduunka(IMF), taasoo lagu sheegay in Soomaaliya ay ku socoto wadadii horumarka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in si run ah ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay horay u sii socoto, isagoo soo dhaweeyay warbixinta IMF ee la xiriirta barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya (SMP3), wuxuuna intaa ku daray in tani ay calaamad u tahay go’aanada iyo dadaalada  mira dhalka ah ee Soomaaliya ay ku talaabsatay mudadii koobneyd.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale sheegay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka sii shaqeyn doonto dadaalka ay ugu jirto hagaajinta hanaanka maaliyeed ee  dalka si bulshada loo gaarsiiyo guulo horumarineed.

Warbixinta ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo lagu daabacay boggeeda rasmiga ah, ayay ku sheegtay Soomaaliya iyo hay’adda ay si wada jir ah u  gaaareen heshiis looga gudbayo dib u eegistii koowaad ee wajiga saddexaad ee kooxda la socodka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, islamarkaana waxay bogaadisay dowlada Soomaaliya oo ku guuleystay kobaca dhaqaale iyo hanaanka maamul wanaaga iyo islaxisaabtanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo lagu hor dhaariyey Wasiiro uu shalay Magacaabay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo lagu riday labo nin oo fududeeyay qaraxyo badan iyo dilal ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Masuuliyiin uu ka mid ahaa Gudoomiye ku-Xigeenkii gobolka Sh/dhexe oo qarax lagu dilay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---