Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal culus oo baraha bulshada ku dhexmaraya dad taageersan Mooshinka & kuwo diidan

Tan iyo wixii kaa dambeeyey markii 48 saac ka hor ay Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya Guddoonka u gudbiyeen mooshin ay ku doonayaan inay xilka uga qaadaan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa baraha bulshada ka bilowday dagaal qaraar oo u dhexeeya Soomaali taageersan iyo kuwa diidan mooshinkan.

Dadka Soomaaliyeed ee baraha bulshada ayay arrintan aad u kala qeybisay, qaar ka mid ah dadkaas waxay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin mooshinka cusub, waxayna sheegeen in lagu degdegay, ayna curyaamin karto dawladnimada Soomaaliya ee curdanka ah.

Qaar kale oo qaba in xildhibaannadu ay ku saxan yihiin inay la xisaabtamaan madaxda dalka ayna qabsanayaan hawshii loo igmaday, waxayna qabaan in mooshinka uu sharciga waafaqsan yahay.

Kuwo kale oo aan dhinacna raacsaneyn ayaa qaba in labada dhinac ee is haya looga baahan yahay iney u turaan dalka iyo dadka ayna ka tanaasulaan danahooda siyaasadeed

Si kastaba ha ahaatee qalaalasaha siyaasadeed ee ka dhashay mooshinkan ayaan weli xal kama dambeys ah loo helin iyadoo labada dhinac ee baarlamanku u qeybsamay ay isku hayaan weerar iyo weerar celis, lamana oga halka xaaladu ay sal dhigan doonto, iyadoo guud ahaan shacabku ay ka walaacsan yihiin xaalada uu dalku galay iyo kala qeybsanaanta taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Duq Magaalo ka tirsan Yurub oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo Su’aal culus hor dhigay xeer Ilaaliyaha dowlada Sacuudiga

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo xuska 15ka May awgeed Ubax dhigay Taalada SYL (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---