Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Indha-qarshe oo kormeeray Xerada ciidamada Kumandoska ee Bali-doogle (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa Maanta Kormeer shaqo ku tagay Saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Kumaandoska DANAB oo ku yaalla xerada  Balidoogle ee Gobolka Shabellada Hoose.

Indha-qarshe ayaa markii uu gaaray Saldhigga Balidoogle waxaa ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Kumaadooska Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ee tababarada ka bixiya saldhigaas.

Ciidanka xaruntaan dagan oo ah kuwa fuliya weerarada gaarka ah ee lagu Beegsado Al-shabaab ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu la yeeshay kulamo iyo isxog wareysi uu ku ogaanayo sida ay u socdaan howlgalada qorsheysan.

S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa sheegay in ciidamada Danab ay yihiin indhaha ciidamada qalabka sida waxaana uu uga mahadceliyay guulaha la taaban karo ay kasoo hooyeen dagaalka lagu ciribtirayo Al-shabaab.

Taliyaha ayaa xusay in qorshaha taliska Ciidanka Xoogga dalka uu yahay in la balaariyo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya si ay usoo afjaraan  Al-shabaab.

Qeybaha kala duwan ee xerada tababarka Balidoogle ayuu kormeeray general Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe isagoo warbixino ka dhegeystay saraakiishooda.

xerada Ciidamada Bali doogle ayaa waxaa degan boqolaal ka tirsan ciidamada Maraykanka oo halkaas ka haga howlgalada gaar ah ee laga fuliyo goobaha ay joogaan Al-shabaab iyagoo adeegsanaya dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Droneska iyo ciidamada Kumandoska Somalia ee halkaas tababarada ku qaata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Shiinaha oo gaaray magaalada Addis Ababa (Sawiro)

Caydiid Ali

Dowlad Afrikaan ah oo ka carootay hadal uu Trump soo dhigay bartiisa Twitterka

Caydiid Ali

Farmaajo oo war kasoo saaray go’aankii maanta gaareen xildhibaannada labada Aqal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---